iidheh! TAAJ!

DEG DEG:- Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan jawaari oo ku guulaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka 10-aad.

Waxaa goor dhow la shaciyay natiijada wareega Kowaad ee Doorashada Baarlamaanka ee maanta ka socota Muqdisho, waxaana tartanku uu u dhexeeyay 4 Musharax oo ku loolamayay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Doorashada ayaa hal wareeg noqotay kadib markii Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari uu gaaray tiradii looga baahnaa taas oo ahayd 139 cod

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa helay codadkii wareega 1 aad ee la tiriyay  141 Cod.

Xildhibaan Cabirashiid Maxamed Xidig ayaa isna helay  97 cod

Xildhibaan Cabdifataax geeseey ayaa helay codadkii la tiriyay 17

Xildhibaan Idiris Dhaqtar ayaa isna helay 2

PUNTLANDONE.COM

MUQDISHO.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *