iidheh! TAAJ!

(Daawo Sawirrada):- Diyaar-garowga Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho waxaa hadda si toos ah uga socota diyaargarowgii ugu dambeeyay ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka oo maanta dhacaysa, waxaana hadda la diyaariyey hoolkii baarlamaanka iyo sanduukhyadii codbixinta.

Murashaxiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka u tartamaya waxaa ugu cad cad, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Proff. Maxamed Sh Cismaan Jawaari, C/rashiid Xiddig oo xilal kala duwan kasoo qabtay Dawladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya iyo C/fitaax Geesey.

Tartanka ugu adag ayaa la filayaa inuu dhexmari doono mari doono seddexdaan Murashax, balse arrinta Taariikhda Cusub dhigi doonta ayaa noqon doonta haddii C/rashiid Xiddig uu ku guulaysto Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Halkaan Sawirradii ugu dambeeyay Diyaar Garowga ka daawo.

___________

PuntlandOne.com

Muqdisho.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *