iidheh! TAAJ!

(TOP NEWS):- Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka oo maanta yeelanaya Kulan kala warqaadasho ah.

Gudiga Doorashada Gudoonka Golaha shacabka oo Berri qaban doona Doorashada Gudoomiyaha Baaralamaanka dalka ayaa maanta qaadanaya kulan a ku kala warqaadanayaan kaas oo ay isugu imaan doonaan dhamaantood oo ka kooban 15 Xubnood.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa ka shiri doona qaabka Berri doorashada loo wajahayo, waxaana ay go’aamin doonaan hoolka berri doorashadu ka dhacayso, iyadoona horay mar la isugu soo qaaday in Xarunta Golaha shacabka lagu qabto.

Ka qayabgalayaal ka socda Beesha Caalamka ayaa sida wararku sheegayaan la siin doonaa kaarar ay uga soo qaybgalaan Doorashada, waxaa sidoo kale Berri toos looga daawan doonaa Warbaahinta Qaranka iyo kuwa kale ee Madaxa Banaan.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Berri dhacaysa waxay go’aamintoontaa in Shariif Xasan Shiikh aadan oo dabada ka riixaya Cabdirashiid Xidig ay Musharaxnimadiisu dhab noqoto hadii uu guulaysto, iyo in mar kale fashil soo wajaho si lamid ah sidii dhacday Doorashadii tan ka horaysay ee 2012.

PuntlandOne.com

Muqdisho.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *