iidheh! TAAJ!

(DHEGAYSO):- Waa Sidee Xaalka Qandala oo Madaxwaynaha Puntland ku sugan yahay?.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shalay tagay Degmada Qandala ee Gobolka Bari ayaa ka hadlay Xaalka magaalada kadib ka xorayntii Kooxda Daacish ee halkaas dhawaan laga saaray.

Dr. Gaas ayaa waxaa uu sheegay in magaalada ay u tageen sidii dadka ay ugu dhiiri galin lahaayeen kusoo noqoshada magaalada Qandala, waxaana Madaxwaynuhu uu booqasho ku tagay goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha dawladda ee shacabka loogu adeego.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Kooxdii halkaas qabsatay qayb ka mid ah gacanta lagu hayo halka wixii hada ka dambeeya ay dagi doonaan Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta iyo bada kuwa ilaasha.

Ugu dambayntii Madaxwaynaha Puntland waxaa uu ka hadlay dilalkii ka dhacay Boosaaso, waxaana uu sheegay in lagu raad joogo kooxihii falalkaas ka dambeeyay, dhaawana lasoo bandhigi doono.

Dhegayso Waraysiga Madaxwaynaha PL

PuntlandOne.com

Boosaaso.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *