iidheh! TAAJ!

(XOG RASMI AH):- Olalaha Musharaxiinta Gudoonka Baarlamaanka oo Muqdisho siwayn looga dareemayo.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa siwayn looga dareemayaa doorashada Gudoonka Baarlamaanka Dalka oo ay ku loolamayaan in ka badan 20 mudane, waxaana ay ukala sharaxan yihiin Xilka Gudoomiyaha iyo labada ku-xigeen.

loolanka ugu adag ayaa waxaa wajahaya Musharaxiinta u taagan Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana olale xoogan wada Maxamed Shiikh Cismaan jawaari oo ah Gudoomiyaha Baarlamaankii 9aad ee wakhtigiisu dhamaaday, Cabdifataax geeseey oo horay usoo noqday Gudoomiyaha Gobolka Bay, waxaana labadaas Musharax ay kasoo jeedaan maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo kasoo jeeda Jubbaland una dhashay Beesha Daarood oo aan doonayan qabshada Xilka Afhayeenka Baarlamaanka ayaa wada isna olale uu ku doonayo qabashada xilkaas, waxaana dagaal adag kula jira Musharaxiinta Beesha Daarood ee Kursiga dalka ugu sareeya doonaya.

Xildhibaan Xidig ayaa Olalaha ugu adag ka dhex samaynaya Mudanayaasha Baarlamaanka ee kasoo gala Beelaha Hawiye iyo Dir ayaa taageero badan haysan.

Xubnaha Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed, Jubbaland , Puntland ayaa waxaa looga adkaaday Cabdirashiid Xidig loolankoodii waxaana xubnahaas ay lakala socdaan Musharaxiinta Koonfur Galbeed kasoo jeeda.

Sidoo kale Xog Hoose oo PuntlandOne.com ka helay beesha dir Xubnaha kasoo galay Baarlamaanka ayaa waxaa kulamo kala duwan maanta la qaatay Maxamed Shiikh Cismaan jawaari iyo cabdifataax Geesey oo ah labada Musharax ee loolanka adag dhexmari doono.

Dhinaca kale qabshada Xilka Gudoomiye kuxigeenada ayaa Olale wayn ka socdaa, waxaana Musharaxiinta ordaya ka mid ah Faarax Shiikh cabdulqaadir oo DAMJADIID lagu bartay.

Xildhibanada ayaa siwayn uga soo horjeeda Faarax cabdulqaadir, waxaana la ogayn samaayanta olalaha uu wado uu yeelan doono.

Faarax oo looga adkaado tartanka uu galayo, waxay Xasan uga dhigan tahay bilowga guuldarada wayn ee uu ku waayi doono kursiga Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

La soco wixii kusoo kordha

Puntlandone.com

Muqdisho.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *