iidheh! TAAJ!

Xildhibaanada Galmudug oo C/kariin Guuleed Mooshin ka gudbiyay & Isagoo ka digay.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug Cabdkariin Xuseen Guuleed ayaa mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas waxay ka gudbiyeen mooshin ka dhan ah, waxaana uu ka hadlay mooshinka laga gudbiyay.

Xildhibaanada ayaa ka caraysan warqad kasoo baxday xafiiska Madaxwaynaha Galmudug, iyadoona horay ay ugu eedeeyeen wax qabad la’aan, waxaana ay sheegeen in xilka ay ka xayuubinayaan.

Madaxwaynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed waxa uu sheegay inuu ka digayo mooshinka wakhtigaan kusoo aaday, waxaana uu sheegay in wakhti ku haboon aysan ahayn mooshin.

Galmudug ayuu sheegay in xaalado adag oo waxkaqabad u baahan inay ka jiraan, waxaana uu sheegay in hawlahaas uu maamulkiisu ku mashquulayo.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa horay loogu eedeeyay inuusan kasoo bixin shaqooyinkii dastuuriga ahaa, waxaana aan shaqayn Golaha Xukuumada ee Maamulkaas.

PuntlandOne.com

Muqdisho.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *