iidheh! TAAJ!

Muxuu la xariiraa Safarka M/waynaha Puntland ku Tagay Degmada Qandala (Akhriso).

Madaxwaynaha Dawladda Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Qandala, waxaana ujeedka Safarkiisu uu yahay mid la xariira u kuurgalka xaalada Amni ee degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada oo Dhamaadka Sanadkii tagay laga xoreeyay Kooxda Daacish.

Madaxwaynaha ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada kala shiri doona Ilaalinta deegaanka iyo garabsiinta Ciidanka Amniga.

Dadka Reer Qandala ayaa Madaxwaynaha usoo bandhigi doona baahiyaha ay qabaan ee la xariira dhanka Maamulka iyo adeegyada Dawladda.

Wafdiga Madaxwaynaha Puntland lama oga inta uu ku sugnaan doono Qandala balse waxaa sidoo kale la rajayan inuu booqdo degmooyin kale oo ka tirsan Gobolka bari iyo Gardafuu.

PuntlandOne.com

Boosaaso

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *