iidheh! TAAJ!

Maqaal:- Tilmaanta Madaxwaynaha Cusub ee Federaalka Soomaaliya 2017.

Afartii sanno ee la soo dhaafay habeen walba waxaan macaamil u ahaa daawashada  warka TVga Soomaaliyeed ee Somalichannel. Warku marka uu soo galo waxaa  I mari jiray darreen jiririco iyo qajilaad isku dhafan,  oo aad waxaan u dhibsan jiray furitaanka warka oo ay ka dhigteen Xasan Sheekh Maxamuud oo uu dhaarinayo xeer-ilaaliye Ilkojiir.

Si kale haddii loo yiraahdo habeen kasta waxaan goobjoog u ahayn Madaxwayne Soomaaliyeed oo la dhaarinayo.

“Waxaa igu walaahiya inaan dantayda ka hor marinayo danta dalka iyo danta ummada Soomaaliyeed”.

Soomaaliya dhawr iyo labaatankii sanno ee la soo dhaafay dhibkii soo maray ma aha mid halkaan looga sheekayn karo.  Waxaa lagu soo koobi karaa in dalkeenu hormuud u yahay waddamo badan oo guuldaraystay.   Masiibada Soomaaliya soo gaartay ma aha mid ka timid xagga juquraafiga,  cimilada,  dhaqanka  iyo diinta ee waa mid ka timid xagga siyaasad-xumada iyo hoggaamin-fiican la’aanta.

Madaxwaynihii hore ee Kenya, oo marar badan saxaafada Kenya ugu yeeri jirtay “professorka siyaasada” ,ayaa laga hayaa weedh hal-hays noqotay oo ahayd “Siyaad-xumo waxay la mid tahay nolol-xumo”.

Shacabka Soomaaliyeed eed kuma laha inay dalkooda mashaqada ka saari waayeen,  ee laakiin waxaa lagu eedayn karaa inay soo saari waayeen hoggaamiyeyaal tayo leh oo daacad ka ah inay dalka ka saaraan godka mugdiga ee guuldaraysiga.  Waa halkaas halka sartu ka qurunsan tahay.

Haddii aad aragto waddan horay u tilaabsanaya waxaa hoggaamiyeyaashiisu isku mashquuliyaan inay dhisaan maamulo cadaalad ku salaysan, suga amaanka iyo xasiloonida,  suga saraynta sharciga, dhiirigaliya koboca dhaqaalaha,  la dagaalama musuqmaasuqa.

Shacabka Soomaaliyeed,  oo la sheego in dhallinyaradu ugu badan tahay,  weli ma hayaan hoggaamiyeyaal howlahaas kore isku hawla.    Kontonkii sanno ee la soo dhaafay waxaanu kusoo jirnay marxalado qub iyo qac ah.

Afartii sanno ee ugu danbaysay ee uu dalka soo xukumay Mudane Xasan Sheekh waxaan oran karaa waa marxaladii “NGOismka” ama hay’adaha aan dowliga ahayn.

Waxaa jira waddamo badan oo sida Soomaaliya burburay ama guuldaraystay sida Afganistaan, Kaamboodiya, Siraaliyoon, Kolombiya iyo Liberia.

Wadamadaasi waxay Soomaaliya uga duwan yihiin waxay ka faa’iidaysteen joogitaankii ciiddamada ajnabiga ah ama taageeradii wadamada caalamka.

Tusaale ahaan, hadda dalkeena waxaa ka hawlgala 22,000 ciiddamo Afrikaan ah oo dowlada Federaalka ka caawiya xagga amaanka.

Meeshii laga faa’iidaysan lahaa caawimada ciidamadaas,  meeshii la dhisi lahaa ciidan qaran oo amaanka wax ka suga,  meeshii lagu mashquuli lahaa dibu-heshiisiinta ummada Soomaaliyeed,  meeshii lala diriri lahaa musuqa iyo maamulxumada, ayaa hoggaamiyeyaashii Soomaaliyeed isku mashquuliyeen inay iyagu naftooda is-hodmiyaan, iyo inay boobaan hantidii qaranka.

Afartii sanno ee la soo dhaafay waxaa la oran karaa waxay ahayd xilli ummada Soomaaliyeed muhiim iyo xasaasi u ahaa, laakiinse ka khasaaray dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hadda oo loo madlan yahay doorasho cusub oo madaxwayne sannadkaan 2017 waxaa ummada Soomaaliyeed la gudboon in madaxwaynaha cusub ee soo socda  u tilmaamaan halka la aadayo si dalkeenii godka looga soo saaro:

  • Ugu horayn xoogga saar soo celin amaanka iyo xasiloonida adiga oo isticaamalaya ciidamada Afrikaanka ah ee dalka ka howlgala iyo dhisida ciiddan qaran oo xirfadle ah. Marka hore waa in nabad la helaa inta aan sharci la helin.
  • Dhidibada u aas saraynta sharciga adoo ilaawaya qabyaalada iyo koox-jeclaysiga
  • Kasaar dalka dhaqanka NGOismka oo sababay in hay’adaha aan dowliga ahayn ay feeryaac ku samaynayaan hay’adihii dowliga ahaa.
  • La-dagaal musuqmaasuqa iyo hoggaamiye-kooxeednimada
  • Arrurinta canshuuraha si loo helo dakhli ka xor ah kaalmada caalamka.

Fariimahaan lama fulin karo haddii aan la helin madaxwayne ay ka dhab tahay inuu  qarankeenii dumay dib u dhiso.

Dhaarta madaxwaynayaasha Soomaaliya lagu dhaariyo waa “la-jiifiyaana bannaan; la joojiyaana banaan”,  waayo waxaa loo dhaariyaa sidaan:

“Waxaa igu walaahiya inaan dantayda danta dalka iyo dadka ka hormarinayo”

Dantee la hormariyaa ma dantayda mise danta dalka la isma waydiin. Waxaa laga yaabaa Xasan Sheekh daloolkaas (loophole)  inuu ka faa’iidaystay. Rajee inaan helno madaxwayne ummada Soomaaliyeed kuli aabe u noqda,  oo jeebkiisa iyo qoyskiisa ka wayn.

W/Q: Farah Jama Farah.

_______________

PuntlandOne.com

Nairobi-Kenya

 

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *