iidheh! TAAJ!

Kornel Cismaan Xasan Cawke Afdalow oo loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee G. Mudug.

Wareegto kasoo baxday Dawladda Puntland ayaa xilkii looga qaday taliyihii Qaybta Booliska ee Gobolka mudug Cabdulwaaxid Cabdille Warsame, waxaana lagu magacaabay Cismaan Xasan cawke afdalow inuu noqdo Taliyaha Booliiska ee Gobolka Mudug.

Xilka qaadista Taliyihii hore ayaa timid kadib markii dacwad ay ka gudbiyeen Gudiga Difaaca Gobolka Mudug, waxaana markii hore ay ka joojiyeen shaqada, iyadoona uu Warbaahinta u marsiiyay hadalo cay ah.

Taliyaha Cusub ayaa waxaa horyaala shaqooyin adag oo ay ka mid tahay sugida Amniga Gobolka Mudug oo bilihii ugu dambeeyay Xaruntiisa Gaalkacyo ay wajaysay colaado iyo weeraro joogto ah oo uga imaanayay Dhanka Galmudug.

PuntlandOne.com

Gaalkacyo.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *