iidheh! TAAJ!

BOOSAASO:- Dhaqaatiir ka socda Dalka Sacuudiga oo tagaya Boosaaso & Barbara si ay isaga baaraan Xoolaha Dalkooda loo dhoofinayo.

Dawladda Sacuudi carabiya ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay usoo dirayso Dhaqaatiir baarta Xoolaha kasoo dhoofaya Dalka kuwaas oo la gaynayo magaalooyinka kala duwan ee Sacuudiga.

Wasaarada Xanaanada Xoolaha ee Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in dhaqaatiirtaan ay toos uga hawlgalayaan Maxjarada Barbara iyo Boosaaso oo ah halka xoolaha ugu badan looga soo dhoofiyo Sacuudiga, waxaana ay hubin doonaan Caafimaad qabka xoolaha la dhoofinayo.

Wasaraada Xanaanada xoolaha ee Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay dhaqaatiirta ka socota Dhigeeda Sacuudiga, waxaana tani ay albaabka u furaysaa in markale uu fumo suuqa xoolo dhoofinta ee sacuudiga kaas oo bishii ugu dambaysay hakad ku jiray.

Sacuudiga oo Caalamka ka iibsada 10, 000 kun oo neef ayaa 5,000 oo ka mid ah ka iibsada daljeena Soomaaliya.

PuntlandOne.com

Boosaaso

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *