iidheh! TAAJ!

(AKHRISO XASAASI):- Heshiiskii Muqdisho ay ku saxiixdeen M/waynayaasha Puntland & Galmudug Maxaa ka hirgalay?.

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxaa January 1, 2017 heshiis 3 qodob ka koobnaa ku saxiixday Madaxwaynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaana heshiiskaas uu ku aadanaa magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkii ugu dambeeyay xaalad colaadeed isaga jirtay.

Heshiiska ayaa ka koobnaa qodobadan hoos ku xusan:-

1)       In isu socodka magaalada dib loo soo celiyo,

2)      In ciidammo Boliis ah oo isku dhaf ah la geeyo

3)      Iyo in Bisha February kulan kale la isugu yimaado si looga wada xaajoodo wax yaabaha ka dhaqan-galay qodobbada lagu heshiiyey.

2 Qodob ee ugu horaysa oo gundhig u noqon lahaa hirgalka qodobka 3 aad ee Heshiiska wali ma dhaqangalin, waxaana xiran wadooyinka Gaalkacyo, iyadoona habeenkii ay xabad iska dhacayso.

Heshiiskii lagu gaaray qodobadaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxwaynaha wakhtigiisu dhamaaday Xasan Shikh Maxamuud , Ra’iisulwasaare Cumar Cabdirashiid iyo Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Keating, waxaana la saadaalin karin xaalka heshiiskaan uu ku dambayn doono.

La soco wararka Arrimaha Gaalkacyo

Puntlandone.com

Gaalkacyo.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *