iidheh! TAAJ!

(DAAWO):- Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in mar kale uu u taagan yahay Xilkaas.

Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu u taagan yahay Xilka Gudoomiyaha baarlamaanka.

Waxaa uu Sheegay inuu aqbalay codsi uga yimid shacabka Soomaaliyeed kaas oo ku aadanaa in arkale uu hogaamiyo golasha Shacabka Soomaaliya oo ah wakiilada dadwaynaha.

“Waxaan aaminsanahay in xilka hogaaminta Baarlamaanka Soomaaliya oo ah saldhigga awoodda dowladnimada Soomaaliyeed waa xilka ugu culus seddexda xil ee ugu sareysa dalka oo ah tiirarka awoodda dowladnimada waa uu ka culus yahay xilka laanta fulinta, sidaas daraadeed aniga oo tixgelinaya codsigaas iyo tallooyinkaas badan waayo waxaa waajib ah markii sidaan oo kale laguu soo codsado waxaa waajib diini ah in aad ka jawaabto” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

“Aniga oo ka jawaabaya codsigaas waxaan shacbiga Soomaaliyeed u sheegayaa codsigiinna iyo codkiinna waan maqlay waanna qadariyey, waxaan go’aansaday oo aan aheyn go’aan si fudud aan ku gaaray in maanta laga bilaabo aan ahay musharax u taagan Xilka hogaaminta Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya taasi oo aan Alle Subxaanahu wa tacaalaa aan u tala saartay , waxaan Alle ka baryayaa in uu noo fududeeyo”ayuu si cad u shaaciyey Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari”.

Waxaa uu Sheegay in Baarlamaanku uu yahay halka dalka laga badbaadin karo aana laga gaban karin hogaamintiisa.

Hoos ka Daawo Shirkii Haraa’id ee Proff Jawaari

PuntlandOne.com

Muqdisho,

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *