iidheh! TAAJ!

(Daawo Sawirrada):- Dhismaha Quruxda Badan ee Dawladda Turkigu u dhistay Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dawladda Turkiga Oo sanadihii dambe taageeraysay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Dhismeyaal badan oo ay Muqdisho ka hirgalisay waxaa ka mid ah Dhisme aad u qurux badan oo loogu talo galay inay ku shaqeeyaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhismahaan oo ku yaalla Degmada Shibis, ayaa maanta waxaa Booqday Ra’iisul Wasaaraha Waqtigiisu dhammaaday ahna Musharax hadda xilka Madaxwaynaha Soomaaliya u taagan Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, isagoo aad ugu mahadceliyey Dawladda Turkiga ee dhismahaan u dhistay Soomaaliya.

“Waxaan halkaan uga mahadcelineynaa Dawladda an walaalaha nahay ee Turkiga ee gacan buuxda naga siisay dhismaha xaruntan cusub naguna wareejisay, halkani waxay noqon doontaa dhismaha ay ku shiri doonaan Xubnaha Aqalka Sare iyo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Halkaan Sawirrada ka daawo.

_____________

PuntlandOne.com

Muqdisho

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *