iidheh! TAAJ!

(DAAWO SAWIRRO):- Xildhibaanada Beesha Leelkase ee Dawladda Soomaaliya oo Shir isbarasho ah la qaatay Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Xildhibaanada Beesha leelkase ee Dawladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay Siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, iyo Waxgarad  kulankaas oo muhiimadiisu ahayd isbarasho.

Shirka ayaa Waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dawladda Soomaaliya, waxaana diirada lagu saaray isabarasho, iyadoona Xildhibanada Cusub ay soo jeediyeen qorshe hawleedkooda ku aadan 4 sano ee soo socota kaas oo ku salaysnaa Isla xisaabtan iyo matalaad rasmi oo ku aadan Bulshada soo dooratay iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

Ugu horayn waxaa Shirka furay Suldaan Maxamed Jaamac Shire waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay shirka qaybaha kala duwan ee Bulshada ay isugu yeereen Xildhibaanada, waxaana uu ku bogaadiyay in ay kasoo baxaan hawsha loo egmaday.

Xildhibaan Daahir Maxamuud Muuse oo ka mid ahaa qaban qaabiyayaashii shirka ayaa hadal uu ka jeediyay furitaankii shirka waxaa uu ka hadlay muhiimada ay leedahay Midnimadu, waxaana bulshadii shirka ka qaybgalaysay uu ugu bishaareeyay in 6 Xildhibaan ay midaysan yihiin si midaysana ay ugu shaqaynayaan Bulshada deegaanadii laga soo doortay iyo guud ahaanba Ummadda Soomaaaliyeed.

”Waxana isugu kiin yeernay waa Isbarsho iyo inaad nagula xisaabtantaan masuuliyadsa aan hayno, waxaan idiin balan qaadaynaa inaan si daacad ah oo danta Ummadda Soomaaliyeed ku jirto iidn kugu shaqayn doono” Ayuu Yiri Xildhibaan Daahir Maxamuud.

Intaas kadib waxaa hadalka lagu wareejiyay kasoo qaybgalayaashii, waxaana Siyaasi Ex Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi fadhaye,  Cabdikhaliif Shiikh Xasan Ajaayo Wasiirkii hore ee Wasaarada Diinta iyo Awqaafta Puntland uu sheegeen in Xildhibanaada Cusub ay soo dhawaynayaan, waxaana ay kula dardaarmeen in shaqada culus ee hortaal ay ugutaan si wanaagsan.

Gudoomiye Kuxigeenka Gudiga Shaqada iyo shaqaalaha Rayidkaa ee dawladda Federaalka ayaa sheegay dhankiisa in uu bogaaidnayo midnimada Xildhibaanada, waxaana uu sheegay in ay la shaqaynayaan.

Xildhibaan Aqalka Sare Farxaan Cali Xuseen ayaa dhankiisa sheegay in ay  ku faraxsan yihiin sida Qaybaha kala duwan ee Beeshu uga soo qaybgaleen Qado sharafta isbarashada ah, waxaana uu sheegay inuu soo dhawaynayo natiijada kulankaan oo ahayd isbarasho iyo wada shaqayn.

Saadiq Warfaa oo isna ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa waxaa uu sheegay in ay la imaan doonaan Isbadal ka duwan Xildhibaanadii hore ee shaqaynayay ayna taas miraheedu dib ugu noqon doonto deegaanadii laga soo dooortay iyo Bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Kutlada Xildhibanada Beesha leelkase Cabdirashiid Daahir Gaboobe ayaa dhankiisa sheegay in midnimadooda ay ilaalinayaan, waxaana uu sheegay in marka ay mid yihiin ay wax tari karaan Bulshada ay matalayaan.

Isagoo sii wata hadlakiisa ayuu sheegay in hankoodu yahay sidii loo heli lahaaa dawladnimo rasmi ah iyo hogaan dalka samata bixiya.

Ugu Dambayntii Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta Sare Cabdulqaadir Cabdinuur Xaashi ayaa sooo xiray shirka waxaana uu cadeeyay in Xildhibaanada hada lasoo doortay ee beesha Leelkase ay ka midnimo wanaagsan yihiin kuwii hore.

Waxaa uu sheegay in uu balan qaadayo in si wanaagsan uu ula shaqeeyo mudada uu xafiiska joogo, waxaana intaas uu ku daray in wax badan ay badali karto midnimadoodu.

Hoos ka Daawo Sawirro

  

  

  

Puntlandone.com

Muqdisho

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *