iidheh! TAAJ!

(Daawo):- Dr. Faroole Oo beeniyey Inuu ka tanaasulay Murashaxnimadiisa Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya.

Xildhibaanka Aqalka Sare ahna Madaxweynihii hore ee Dawladda Puntland ahna Murashax u taagan Xilka Madaxwaynaha Soomaaliya ee doorashada loo madlan yahay 28-ka bishaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole,  ayaa beeniyey inuu ka tanaasulay Murashaxnimadiisa, iyadoo warbaahinta qaar ay sheegeen inuu u tanaasulay Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo isna ah Murashax reer Puntland ah oo u ordaya xilka Madaxwaynaha ee doorashada dhow.

Wararka sheegaya inuu Dr. Faroole Tanaasulay ayaa soo baxay kulan saxaafaddu dibad joog ka ahayd oo shalay dhexmaray Madaxwaynaha Dawladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Ra’iisul wasaaraha xilkiisu dhammaaday Cumar C/rashiid Cali Sharmaake, iyo Labo xildhibaan oo aqalka sare ah oo kala ahaa Dr. Faroole iyo Proff. C/risaaq Jurille.

Dr. C/raxmaan Faroole oo warbaahintu su’aalo arrimahaan la xiriira ku waydiisay goob shalay gelinkii dambe Dawladda Puntland ay sagootin ugu samaysay xildhibaanada labada aqal ee Puntland ku matelaya Baarlamaanka Dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in kulankaasi uu la xiriiray talo guud balse uusan ku saabsanayn wax gaar ah oo dhexmaray isaga Cumar C/rashiid.

Halkaan Muuqaalka ka daawo.

____________

PuntlandOne.com

Garoowe

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *