iidheh! TAAJ!

(Sawirro+Muuqaal) Soodhawayntii Cali Xaaji ee Kismaayo oo noqotay arin wali aad loo hadal-hayo.

Kismaayo, Nov, 2016 – Waxaa shalay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubaland si diiran loogu soodhaweeyay Musharax Madaxwayne Cali Xaaji Warsame oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu cad cad tarmayaasha Villa Soomaaliya.

Waxaa garoonka Kismaayo kusoo dhaweeyay musharaxa G/kuxiggeenka 1aad ee Baarlamaanka Jubaland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jubaland Darwiish, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Jubaland, fanaaniin, iyo qaybaha bulshada Kismaayo.

Musharaxa ayaa Garoonka Kismaayo qaybta VIP-da kula hadlay bulshada, waxaana uu ka warbixiyay socdaalkiisa Kismaayo, isagoo xusay in Kismaayo ay tahay magaalada labaad ee xadunta u ah ee Soomaaliya. Loona baahanyahay in Soomaali oo dhami ay kulmiso.

Cali Xaaji iyo waftigii uu hoggaaminayay ayaa markii ay garoonka warbaahinta kula hadleen waxaa loosoo galbiyay dhanka magaalada, waxaana ay Hotel Kismaayo oo ku yaala bartamaha magaalada ku qabteen munaasabad ballaaran oo ay kasoo qayb-galeen waxgarad, cuqaal, iyo qaybaha bulshada.

Murashax Madaxwayne Cali Xaaji ayaa kaddib waxaa uu loo soo galbiyay Aqalka Martida ee Jubaland. Halkaasi oo uu kulan kula qaatay madaxwaynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)

Maalmaha Soosocda ayaa lagu wadaa in Cali Xaaji Warsame oo si rasmi ah Kismaayo uga dhawaaqo Musharaxnimadiisa. Halkaasina kusoo gudbiyo barnaamijkiisa siyaasadeed.

DAAWO MUUQALKA SOO DHAWAYNTA CALI XAAJI WARSAME

00 0 01 1 02 2 03 3 04 05 06 07 7 08 8 9 11 12 13 14 17 18 23
__________
PuntlandOne.com
Kismaayo

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *