iidheh! TAAJ!

XOG MUHIIM AH:- Xassan Sh Maxamuud Oo Qorshaynaya In Siyaasi Daarood ah uu Noqdo G/Baarlamaanka Soomaaliya 2016.

Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Xassan Sheekh Maxamuud oo mar kale u tartamaya xilka madaxwaynenimo, islamarkaasina hardan siyaasadeed oo xoog leh kula jira Siyaasiyiinta Musharaxiinta ah ee Beesha Daarood ayaa wada qorshayaal badan oo dhabbaha sidii uu mar kale loosoo dooran lahaa, Qorsheyaashiisa waxaa ka mid ah Siyaasado kala gedisan oo uu ku reebayo Siyaasiyiin isaga ay isku beel yihiin iyo kuwo aan la beel ahayn, Xassan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ogaaday in uu musharax yahay Shariif Xasan Sh Aadan halgan adagna ugu jira Madaxweynenimo hoosta ka xariiqay inuu dajiyo qorshe Siyaasadeed oo hor leh, waxaana isagoo kaashanaya ehelkiisa Siyaasadeed ee DUMU-JADIID ay go’aan ku gaareen in beesha Daarood Siyaasi u dhashay ay ku fariisiyaan Kursiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshahan oo socday laba bilood ayaa ay ku xusheen Wasiirkii Macdanta iyo Shidaalka ee Soomaaliya Mudane Daa’uud Max’ud Cumar Bisinle waxa ay ka ku doorbideen isaga oo aamisan Mabaa’iida ururkooda sidoo kalena Beeshiisa Dhulbahante aysan quudarayn Madaxweyne sidaas darteed wuu daaqada ka saaro Siyaasiyiinta Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan ee u Sharaxan Madaxweynaha kuwaas oo u arka in doorkii Daaroodka uu yahay.

14961534_1520637791285623_501699482_n

Sawirka:- Daa’uud Max’ud Cumar Bisinle.

Madaxweyne Hasan iyo Ururka Damul jadiid ayaa Daa’uud ku maalgalinaya dhaqaale badan si uu u noqdo Xildhibaanka Beeshiisa waxa ayna horay ut siiyeen 50,000$ oo kalsooniga Mr Bisinle wuxuu sameeyey Abaabul beeshiisa ah wuxuuna sameeyey Shabakado u daacad ah oo ay ku jiraan Cuqaal kuwaas oo uu ku laaluushay dhaqaalihii Damul jadiid balan qaadona wuu u sameeyey waxana ay u geeyeen Garad Jamac Garad Cali oo godob Siyaasadeed dhixtiile balse waxa ay Saaxdheer ku yeesheen kulan labo Habeen socday oo labadooda iyo Damul jadiid oo hawadda kaga jirta ay dhexmarayey waxana la isku afgartay in Garaadku.

Wuu taageero sidii Bisinle ku noqon lahaa Xildhibaanka Beesha kulan Muqdisho ahna la isku yimaado maadaa ay jirtay Cabasho dowladda Hasan Shiikh iyo Beesha Dhulbahante dhextaalay. Bisinle wuxuu fursad u helay in Cuqaasha xulaysa Ergadda uu yeesho Ergay walba uu ku yimaado rabitaanka Daa’uud Bisinle wuxuna u sameeyey balan qaado lacageed. Waxaa Muqdisho xalay ku soo gabo gaboobay shirkii loo balansanaa ee Damul Jadiid iyo Garaad Jaamac Garad Cali oo looga arinsanayey sidii Daauud u hantiyi lahaa Xildhibaanka Beesha loona wajihilahaa olalaha Gudoomiyaha.

Mudane Bisinle wuxuu ka sheekeeyey howlihii uu soo qabtay iyo halka ay wax u marayaan wuxuu sheegay in uu ku guulaystay in la xareeyo Ergo ay soo heshiiyeen sidoo kalena Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay uu la shaqaynayo oo go’aan adag meel wada dhigteen wax kasta oo kaga yimaada Madaxweyne Gaas uu shafka u dhiganayo sidaas darteed uu u baahan yahay 200,000$ oo marxabaysiiyo Camay iyo Ergadda wax dooranaysa maadaama ay loolan adag kala dhaxeeyo Axmed Xaabsade oo Madaxweynaha Puntland dabada ka riixayo.

Kulankan oo ahaa mid wakhti badan qaatay ayna fadhiyeen jamaahiirta Damul jadiid Hasan Shiikh iyo Faarax C/qaadir ayaa la isku afgartay waxana Bisinle loo muujiyey hiil hagar la’aaneed Daa’uud Bisinle waa Kuma? Waxa uu siyaasadda ka soo galay dhanka Urur Islaax oo madaxweyne Faroole ku cadaadiyey in uu Wasiirka Qorshaynta ka dhigo waa markii ugu horay Siyaasadda Cag soo saaro.

Mudadii wuu wasiirka ahaa wuxuu garabsiiyey NGO Hasan Shiikh Max’ud oo mashaariico Badan u sahlay waana meesha uu ka soo xarooday dhaqaalihii Doorashadii 2012 lagu galay. Kolkii Hasan guulaystay wuxuu dharaar cad iska Casilay Wasirkii Pl isaga oo la taliye u noqday madaxweyne Hasan Shiikh Max’ud.

Xukuumadii R/wasaare Cabdiwali Shiikh wuxuu noqday Wasiirka Macdanta iyo Shidaalka wuxuna dagaal Cad ku qaaday Pl oo ka hor istaagay heshiishyo in khayraadkeeda maamulato wuxuna Madaxweyne Gaas u quudhi waayey in ay wada kulmaan oo wada hadlaan waxa jirtay in uu Hotel Dubai ah uga guuray mar wafti Gaas hogaaminayaan ay soo dageen Sidoo kale wuxuu Damul jadiid u soo xareeyey dhaqaalihii lagu riday R/wasaare Cabdwali Shiikh oo shirkado la galay heshiisyo sharci daro si looga helo dhaqaale lagu laaluusho Xildhibaanada.

________

PuntlandOne.com

Garoowe

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

14 Responses to XOG MUHIIM AH:- Xassan Sh Maxamuud Oo Qorshaynaya In Siyaasi Daarood ah uu Noqdo G/Baarlamaanka Soomaaliya 2016.

  1. gelee says:

    HAssan baraf ma mantuu darod dulayn

    Ma yeelaynonwalaha

    Nimanka dhulbahantana waa caado qaatayaal

    • abdi omer says:

      ninkaas dadka caya waxaan leeayahay siyaasada daarood waxaa dilay oo iska horkeenay daarood waa majeerteen markaas dhulbahante xaqbuu uleeyahay in uu dhoqeeyo hadii aanan nin walba markiisa loo tanaa sulayn

  2. BIXIN IYO WAAW says:

    QABQABLE INA GURGUURTE WAA JAAHIL JAAHIL DHALAY, WUXU KASOO JEEDAA QOYS FAQRI AH SIDAA DARTEED AYUU DHAQAALE CIIL UGU QABAA, ISAGA IYO KOOXDIISU DAN KAMA LAHAN DAD IYO DAL EE LACAG ARUURSI XOOGAN AYEY MEESHA LA FADHIYEEN 4TII SANO LASOO DHAAFAY, HADEERNA WALAAHAY BAAN KU DHAARTE VIILLA SOMALIYA INUUSAN SI NABADA UGA BAXEYN. MARKA WAA IN LOO DIYAARGAROOBA SIDII XOOG LOOGA SAARI LAHAA VILLADAAS HADUU ISKU SII DHEJIYO.

  3. Anonymous says:

    Hasan dameer mohamoud is two-faced warlord he went from rags to riches… in just four years. No wonder he wants to stay.

  4. soomaali ban ahayn says:

    Waxaan filayaa dhamaan siyaada soomaaliya waxana rajayanaa qofkasta cid buuu ku tagay waxay ila ninkaas wasiirkaa oo doonaya in arqaldeeyo siyaasiinta darood waxaan u arkaa meeshuuu maray cali qaliif,
    Meeshuuu ruuu maryaaa darood waal yaqana waxay xaq u lee yahiin waaa
    Madaxwayne ama raselwasero

  5. axmed says:

    War aynu iska qabano hadaynu nahay reer puntlan

  6. Khaatumoboy says:

    Huwanta majeerdhia is over for them khaatumo iyo walalaha hawiye will take care pintland kkkkkk….

  7. war meesha Puntland looga hadli mayee DAAROOD halla bad baadiyo ayaa looga hadlayaa. in dadkaan la iska dhiciyo waa muhiim, dadka DAAROOD u dhashay ee cad quureedka raadinaya waa in meel looga soo wada jeensadaa. waa in DAAROOD si sax ah wax u qaybsadaa ninkasta xaq buu u leeyahay wixii DAAROOD soo dhex mara inuu qaato booskuu doono ha ahaadee reerkuuu doono ha u dhashee lkn waa in siyaasiyiintu isu taagaan sidii arrintaas wax looga qaban lahaa oo dadka loo bad baadin lahaa yaan la isku xumayn in cad quureed la qaato DAAROOD ma istaahilo Speaker. PM ama M/weyne ayaanu leenahay haddii kale dowladdaas Puntland iyo Jubbaland ba waa diidayaan mana shaqaynaso. EELAY baa maanta ina haysata oo dabada dadkaas ka wadda wa nasiib darro

  8. nuur says:

    waxaas wax ka jiro maleh waad og tihiin sheekada sidaas uma fududa hassan madaxwayne ma aha waaka dhamaantay xilka asaga ayaan meel haysan maanta dadna wax kama qaadi karo

  9. Jama jafaal says:

    marka kursiga.laraadinaya.yaa darood ahay marka la helana yaa majeerteen ahay ala maxaa laydin bartey sheekadana hadaanu dhulbahante nahay waa taageersanahay.kkkkkkkkkkkk

  10. axmed says:

    War Garguurte, maanta Siyaasad Somaliya ledahay waxba kama aha,Fadhigii dubay ee loo yeeray M.goboleedyada, isaga iyo Cumarna aan lagu casumin, waxaa lagu tusayey in aan loo baahneyn, kan aad sheegeysaana waa damu gadiid, sida la lee yahay anigu ma aqaan, marka tala uu leyahay Garguurte meeshaas loogama baahna,Daarood iyo Hbar gidirna Madaxweyne la siin mayo, dadkaan waxay rabaan, qof cidaas ah ee ay wax u yeerin karaan ,waxay doonaan ka saxiixi karaan.

  11. Khaatumoboy says:

    Daud mohamed omer won welcome MR new PM speaker gudoomiye baarlamaanka cusub 2016 no calaacal pintland no faroole no xaaran kunax omer iyo gas Fatboys..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *