iidheh! TAAJ!

UPDATE+DAAWO:- Gudiga Doorashada dadban ee Heer Puntland oo ka horyimid Go’aan maanta lagu joojiyay Ergada 5 Beelood oo Puntland kasoo jeeda.

Caawa waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland Shir Jaraa’id ku qabtay gudiga Doorashada dadban ee heer Puntland kuwaas oo ka horyimid go’aan maanta kasoo baxay gudiga Xalinta khilaafaadka doorashada ee Puntland ka shaqaynaya kuwaas oo Go’aankoodii ku Joojiyay ergada 5 beelood oo ka mid ah beelo shalay lagu wargaliyay in Ergadooda ay Garoowe yimaadaan.

Masuuliyiin ka mid ah Gudiga oo shirka Jaraa’id ka qaybgalay ayaa sheegay in waxba kama jiraan uu yahay warka kasoo baxay gudiga xalinta Khilaafaadka doorashada ergadana ay ka qaybgalayaan doorashada.

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada dadban ee heer Puntland Nabadoon Khaliif Awabdi ayaa sheegay in Xarumihii doorashooyinka ay diyaar yihiin, waxaana uu intaas ku daray in wax saamayn ah uu yeelan doonin go’aankii maanta soo baxay.

Arrimaha Doorashada ayaa sida uu sheegay Gudoomiyuhu si wanaagsan looga diyaar garoobay Puntland, isagoona intaas ku daray in wax walba sida loo qorsheeyay ay u dhici doonaan.

Hoos ka Daawo Warbixin la xariirta Shirkii Jaraa’id ee Caawa

______________

Puntlandone.com

Garoowe.

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *