iidheh! TAAJ!

Maqaal:- Halaagii Shacabka Mudug & Hardankii Siyaasiyiinta W/Q Ayuub Diibeeye.

Kadib heshiiskii miro dhalka ahaa ee laga gaaray colaaddii gaalkacyo 1993 Iyadoo markaas ay ka dhaceen dagaallo aad loogu hoobtay oo dhexeeyey shacabka Dagan gaalkacyo, Taasi waxay Shacabka iyo siyaasiyiintii markaas Ku dagaalamay gobolka in Collaad danbe aysan xal ahayn, hormarkuna Ku jiro Nabadda waa tan soomaalidu Ku maah maahdo ” Nabad baa Naas la nuugo leh” collaad aan lagu gaari Karin xal laakiin laga dhaxlo burbur iyo dhibaatooyin kale oo faro badan, heshiiskaas wuxuu noqday mid Miro dhalay Iyadoo Alle ha raxmaddee siyaasiyiintii iyo odayaashii arintaas ka shaqeeyey Badan kood dhinteen, saas oo ay tahay shacabka gaalkacyo waxay u haysteen dhaxal wanaagsan nabadda iyo wada deganaan shaha ay u horseedeen madaxdooddii,

 

MAXAY MUHIIM U TAHAY NABADDA GAALKACYO

waxaa hubaal ah in nabadda gaalkacyo muhiim u Tahay dhammaan shacabka soomaaliyeed, maxaa yeelay waxay Ku taal meel muhiim u ah isku socodka iyo ganacsiga guud ahaan soomaaliya, Iyadoo ah xarun dhammaan soomaali isugu timaado haddii ay noqon lahayd ganacsi, isdhex gal bulsho, dhaqan iyo wixii kaloo la halmaalla,

YAA GAALKACYO KU DAGAALAMAYA?

Waxaa marag ma doonto ah in collaadda gaalkacyo ka aloosan laga soo waariday meel ka baxsan gobolka mudug, Iyadoo u jeedooyin siyaasadeed laga leeyahay kicinta dhibaatadda deegaanka ka jirta Waxaa yaab leh in maanta hogaammiye yaashii soomaaliyeed ay xal bideen barakaca iyo isku dirka shacabka walalaha ah we wada dagan, iyagoo Ku qarinaya fashilka siyaasadeed ee soo wajahay, Waxaan Maqli Jiray ” Baroortu orgiga ka weyn” Siyaasaddu haday Qaloocato Ma Reer gaalkacyo baa lagu Saxaa, Waxaan aaminsanahay in maanta aan la joogin xiligii Ladaadin lahaa dhiiga shacabka soomaaliyeed Iyagoo in kabdan 25 sano is dilayey, sidoo kale Waxaa xusid mudan in Colladaan gacan Ku rimiska ahaa laga soo abaabulay meel Gaalkacyo ka Baxsan isla markaana laga leeyahay Dan iyo u jeed cad oo ah siddii shacabkaas nabada kuwada Dagan La isaga horkeeni lahaa,

“REER MUDUGOW GAAS IYO GUULEED WAAD ARAGTAAN”

 

Waxaan Maqli Jiray Maah Maah Carbeed oo Tiraahda ” Sabankasta wuxuu wataa Dadkiisa iyo dhaqankiisa” Iyadoo aan ula jeedo madaxdda waa la doortaa xili cayimana waa joogaan xafiiska ka dibna waa tagaan, mana dareemi karaan qiimaha nabada iyo wada noolaansha Gaalkacyo Sababtoo ah labadooda midna Gaalkacyo ma Yaqaan marka laga soo tago in maamuladoodu halkaas ka Taliyaan ” Waxaan maqli Jiray Maah maahdii soomaaliyeed ee Oran Jidhay ” Ayax tag eelna reeb” oo aan ula jeedo nabadda iyo isdhexgalkiina yeysan khal khal galin Siyaasiyiin dano siyaasadeed leh kuwaas oo raba inay Jaran jaro maqaam siyaasadeed ka dhigtaan daadin iyo barakicinta shacabka walalaha ah ee wada Dagan gaalkacyo,

TALO SOO JEEDIN SIYAASIYIINT SOOMALIYEED:

Waxaan Oran lahaa Siyaasiyiinta soomaalidda oo aan u arko maanta inay qayb ka Yihiin hurinta collaadda kuwa xilalka haya iyo kuwa aan hayn labadaba in daadinta dhiig soomaaliyeed aan han siyaasadeed lagu gaari Karin, isla markaana ay dhabar jab iyo ragaad Ku noqonayso rajaddii shacabka soomaaliyeed ka qabeen dib u hanashaddii qaranimo soomaaliyeed, 1: siyaasadu waajiyo badan tahay “mar way Ku siisaa marna way kaa hiilisaa” waa marka la yiraahdo Siyaasadu Saxiib Joogtaa maleh, Waxaan Oran lahaa fulinta danaha siyaasadeed inaan loo Marin in shacabka walalaha dhiigooda La daadiyo, 2: Hogaamiye waxaad u dhaaratay Shacabka soomaaliyeed inaad ugu shaqayso si daacad ah gaarsiiso hormar iyo cadaallad, markasta ka Fogaadda wax kastoo dhaawacaya dawladnimadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, 3: Ka feejignaadda u adeegidda Cadawga shacabka soomaaliyeed ha noqon qof wax loo yeeriyo noqo mid qaata go’aamo dhaxal gal ah kuwaasoo keeni kara qaranimo 4: Noqon hogaamiye rumaysan dawladnimo iyo wada Jir soomaaliyeed, meesha ka Saar qabiil iyo dano Shaqsiyadeed, kufaan inaad Tahay soomaali,

GUNAANAD

Abwaan Qamaan bulxan baa tix gabay ah oo ciwaankeedu ahaa “War To low Colka Jooja” tiriyey xili dad ood wadaag ahaa collaad isugu qalab qaateen isagoo u sheegayey dhibka iyo khaasaraha laga dhaxlo collaadda, wuxuu Yiri: Carabkaan ku hadlaayona Nin callenti caddaatiyo Caamadaan garanayn oo Kolkay caruuri dhintaane Cutub weyni cidlaataa Lays canaanan haddhowe Waar tolow, colka jooja!

14875248_1083390035110549_774495657_n

W/Q: Ayuub Diibeeye

Email: Ayubxanaf@gmail.com

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

2 Responses to Maqaal:- Halaagii Shacabka Mudug & Hardankii Siyaasiyiinta W/Q Ayuub Diibeeye.

  1. siciid says:

    diibeeye, waad mahadsan tahay, maqaalkaagu waa calina garleh caydiidna garleh, meesha warka in aad goysid oo aad wax xukuntid baa la rabay, iyana kuma aadan dhicin.

  2. Dr.Mahamuud Abdicaan says:

    mahadsanid Sxb Ayuub waa qoraal aadh
    muhiim uh allaha kaa abaalmariyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *