iidheh! TAAJ!

WARBIXIN XASAASI AH:- Maleeshiyaadka Galmudug Muxuu yahay Sawirka ka muuqda kadib in ka badan 15 maalmood oo Gaalkacyo dagaal ka socday?.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa dagaal ka bilaamay 07 Bishaan aan ku jirno ee October 2016 maalin jimce, waxaana dagaalkaas uu ahaa mid markii ugu horaysay dhexmaray maleeshiyo beeleed iyo Ciidanka Galmudug oo ah kuwo huwan ah ayna ku lamaan yihiin Alshabaab & Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dagaalku wuxuu salka ku hayaa Saylad dawladda Puntland ka hirgalinayso xaafada Garsoor ee Gaalkacyo taas oo galmudug kasoo horjeedo, waxaana ay isku dayday inay joojiso dhismaha Saylada, iyadoona Puntland ay si cad warbaahinta uga sheegtay in dhismaha Saylada ay tahay qadiyad Reer Puntland wada saamaynaysa.

Dagaalka maalmo markii Ciidanku is horfadhiyeen Dawladda Puntland ay sheegtay inay shacabkeeda ka difaacayuso iskaashiga Galmudug, Alshabaab iyo dawladda Soomaaliya waxay Gaalkacyp keentay Ciidamo ah kuwo kala duwan kuwaas oo la geeyay xaduudka Gobolka, waxaana Ciidankaas saraakiisha hogaaminaysa ay dardaaran adag ku siiyeen inay isdifaacaan aysana ogolaan in taako ka mid ah Gobolka ay soo galaan Ciidanka huwanta ah ee laga soo abaabulayo Koonfurta Soomaaliya.

Maxaa Dadaal ah oo laga sameeyay dhanka Nabada?

Dhinacyada Galmudug iyo Puntland waxaa ay isku dayeen in arrimaha magaalada wada hadal lagu dhemeeyo balse waxaa labada dhinacba kala istaageen labo mawqif oo kala fog kaas oo ilaa hada ay kala aaminsan yihiin waxaana caqabada ugu wayn ee hortaagan in lawada hadlo.

Bilowgii hore ee xaalka taariikh ahaana ku aadanayd 9 Bishaan waxaa wada hadlay odayaal kasoo jeeda Puntland iyo Galmudug, waxaana ay warbaahinta uga dhawaaaqeen nabad, iyadoona la ogaa inaan la isku afgaran arrimaha laga wada hadlay, waxaana Odayaasha Galmudug ay codsadeen in la joojiyo dhismaha Saylada wada hadalna la yeesho balse taas Odayaasha dhanka Puntland ayaa diiday oo ahaa niman guryahoodii la yiri Mahsariic horumarineed kama fulinkartaan.

Wada hadalka Odayaashi waa fashilmay kadib markii Xabad joojin la gaaray oo ay ka hoosayso isfaham la’aan arrimaha la isku hayay ah ay Galmudug weerar kusoo qaaday Puntland, walow si wanaagsan la isaga difaacay.

Arrinka wada hadalka Glamudug wasiiro ayay kasoo dirtay Cadaado kuwaas oo Warbaahinta ka shegay in Wasiiro Puntland kasoo jeeda oo gaalkacyo ku sugan ay kala xaajoon doonaan arrinka.

Wasiirada Galmudug iyo Puntland  ma yeelan wax kulan ah oo toos ah balse Taleefono ayay kuwada hadleen, waxaana qolo walba ay la timid sida ay u aragto xalka.

Galmudug ayaa soo jeedisay in dhismaha Saylada la joojiyo kadibna lawada hadlo.

Halka Puntland ay sheegtay in dhismaha Saylada aysan joojinayn wada hadlakana ay uga dambaynayso Odayaasha deegaanka maadama ay horay u xaajaysan jireen iyagu, waxaana Puntland ay magacowday 26 Nabadoon oo dhankeeda wadahadalka qayb uga noqonaya.

Balse nadii daro taas wali Galmudug ma garowsan ana soo magacaabin Odayaal, iyadoona qabta in Maamuladu ay wada hadlaan

Maxaa xigay intaas kadib?

Dawladda Puntland hawlheedii dhismaha Saylada ayay si caadi ah u wada tagay waxaana Ciidankeeda ay difaacyo adag uga samaysay inkabadan 5KM meel u jirta dhismaha Saylada, waxaana ay marar badan iska caabiyeen Kooxo Qaswadayaal ah oo galmudug iska soo abaabulay kuwaas oo isku dayay in dhismaha Saylada ay joojiyaan.

ciidanka-galmudugGalmudug oo garab iyo gaashaanba ka helaysa Alshabaab, dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay tiro ka dhowr jeer isku dayday inay duulaan kula wareegto Dhismaha maxjarka iyo nawaaxigiisa balse Ciidanka Dawladda Puntland si wanaagsan ayay isaga difaaceen, waxaana mar walba khasaraaha dagaalku u badan yahay dhanka Galmudug sida aan ka xaqiiqsanay isbitaalada labada dhinac ee Gaalkacyo oo aan Xariir taleefonka la leenahay.

Sawirka Galmudug ka muuqda ayaa ah haatan Koox shufti ah sideeda oo kale oo inta ay weerar soo qaadaan la iska difacayo, waxana badanaa ay weerarka soo qaadaan gabal gaabkii maadaama aysan gali karin dagaal wakhti dheer qaadanaya.

Dagaal shalay Casar kadib bilaamay ayaa qayb ka ahaa Weerar joogto ah oo Galmudug soo qaado, waxaana dagaalkii shalay looga gubay gaadiidka dagaalka iyadoona inkabadan 10 Ciidankooda ka tirsan lagu dilay.

Maxaa Xal ah?

Xalka Gaalkacyo wuxuu ku jiraa inaan Maamul ku gardaroon maamulka kale fara gashana dhismaha iyo mahsaariicda horumarineed ee dhulkiisa uu kawado.

Sidoo kale waxaa xalka nabada loo baahan yahay ay ku imaan kartaa iyadoo dhinacayada siyaasada faraha ay kala baxaan wada hadalka Odayaasha magaaladuna ka xaajaystaan sida loga heshiinkaro Arrimaha hada taagan.

Warbixintaan Waxay u gaar tahay Puntlandone.com

OuntlandOne.com

Gaalkacyo

Fadlan fikirkaaga ka dhiibo warkan Maxay kula tahay?.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *